HAYAAN NABADEED waa taxane ku socda xuruufta ama (alif beetada) Af Soomaaliga ah. Xuruuftaani waxay ka kooban yihiin shibane, sida: B,T, J iwm., iyo shaqal oo ka kooban labo nooc oo ah mid gaaban sida: A, E, I, O, U, iyo mid dheer sida: AA,EE, II, OO, UU. Haddaba buuggii hore wuxuu ku bilaabmay shibane; waxaana maraynay xarafka D oo ah xarafka lixaad. Buuggani waa kii labaad oo ka bilaabanaya xarafka 7aad kuna dhammaanaya xarafka saddex iyo tobnaad (R ilaa F). Buuggani wuxuu ka kooban yahay 25maanso oo kuli burraanbur ah.
Haddii Allaha awoodda leh inoo oggolaado waxaan mar dhow daabici doonnaa buug dhamays tiri doona shibanaha iyo mid kale oo ka kooban shaqallada.
Buuggani waxa uu xambaarsan yahay suugaan mug wayn, nuxurka iyo ujeedada buuggani wuxuu daaran yahay sidaan;
In uu udub dhexaad u noqdo sidii ay ummada Soomaaliyeed xal waadha ugu heli lahaayeen dhibaatada baaxada leh ee ku habsatay islamarkaasna ay u gaadhi lahaayeen is afgarad xudun u noqdaa nabad, iyo horumar iyadoo mudnaanta la siinayo inaan fahamno waxa inaga dhexeeya taasina waxay xal ama fure u noqon doontaa saxida waxaan isku hayno.
Buuggan oo hodan ka ah murtida iyo midhaha afka Soomaaliga waxaan ugu tala galay in uu ka qayb qaato sidii dib loogu soo noolayn lahaa afkeena hooyo taasoo aan is leeyahay dad badan ayaa ka faa'iidaysan doona akhrinta iyo barashada Af Soomaaliga khaasatan dhalinyarta iyo dadka aan waqtigu u saamixin barashada afkooda burburka iyo daruufo kale awgeedna u diideen.